Guddi sharciyadday ku dhisantahay Madmadow ku jiro oo duray Dhismaha GOLAHA WADA-TASHIGA, xisbiga UCIDna Farogelin qaawan ku sameeyey

Guddida Diiwaangelinta

Hargeysa (SLpost)- Guddida Diiwaanglinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Somaliland ayaa, sharci-darro ku tilmaamay Golaha WADA-TASHIGA ee dhowaan lagaga dhawaaqay Hargeysa, iyaga oo sheegay inuu dalka mamnuuc ka yahay in dalka laga hirgeliyo Gole aan ka mid ahayn Saddexda Gole Qaran ee Sharciga Dalku jidaynayo.

Guddidii Diiwaangelinta Ururrada oo wakhtigan shaqadoodu oo wakhtigan ku hawl-gala U-kuur-galka ku dhaqanka Nidaamka Dimuqraadiyadda iyo Anshaxa ee Xisbiyada Qaranka, ayaa war-saxaafadeed ay Maanta magaalada Hargeysa ka soo saareen, waxa ay xisbiga mucaaradka ah ee UCID kaga dalbadeen in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Guddoomiyaha Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta ku dhawaaqday Golaha WADA-TASHIGA oo xukuumaddu dagaal ba’an la gashay, iyada oo maalin walba warbaahinta ay dawladdu maamusho laga sii daayo shakhsiyaad cambaareynaya Golahaas.

Guddida Diiwaangelinta
Guddida Diiwaangelinta

Guddidani waxa ay war-saxaafadeedkooda ku xuseen eedayn ay Guddoomiyaha UCID ugu jeediyeen inuu ku biiray Gole-sharci darro ah oo aan dalka laga ogolayn, iyaga oo ka dalbaday xisbigaas maamuus ka xayuubin ay sheegeen inay jawaabtiisa uga fadhiyaan Xisbi-weynaha UCID.

War-saxaafadeedkan oo ay ku saxeexan yihiin Xubnaha Guddida Diiwaangelinta, ayaa u qornaa sidan:

Go’aan Guddi

Laga soo bilaabo la soo noqoshadii qaranimada Somaliland 1991 kii waxa Somaliland ku gulaysatay inay samaysato dastuur qaran iyo xeerar ka farcama.

Xeerarkaas oo ay ka mid yihiin qayb ku saabsan nidaamka siyaasadeed ee dalku yeelanayo sida ay tilmamayaan Qodobada 9aad , 22aad Iyo 32aad ee Dastuurka Qaranka iyo xeerarka kafarcamay sida Xeer No 14 iyo Xeer No 20 .

Xeerarkani waxay dejiyeen habraaca siyasadeed ee qaranku yeelanayo iyo sida looga qayb gelayo hadaba isu tag kasta ama cid kasta oo isku abaabusha nidaamka khilaafsan habkaa xeerarku dejiyeen waa sharci daro .

Hadaba Guddiga Diiwangelinta Ururada Iyo Ansixinta Axsaabta Qarnku markay markay aragtay Qodobada 9aad 22aadiyo 32aad ee Distoorka Qaran iyo xeerarnka ka farcamay Xeer No 14 iyo Xeer No 20

Waxay Soo Saartay Go’aankan

Gudida-diiwaan-gelinta-300x1991) In golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee ay ku dhawaqeen koox siyaasiyeen ahi, uu yahay sharci daro aan meelna ka waafqasanayn shuruucda dalka J.S.L

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka dhex muuqda gole aan sharci ahayn , waxaanu faraynaa xisbiga UCID inay arintaas talaabo ka qaadan Guddidana u soo gudbiyaan jawaabtaas .

Saxeexa iyo magacyada Guddida

1. Abdi risaq Jamac Omar

2. Aadan Geedi Qayaad

3. Omar Hassan Ahmed

4. Hassan Ahmed Du,Ale

5. Maxamed Abdi Maalik

6. Ismail Abdilahi Ali

7. Abdale Ibraahim Mahamed.”

Go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta siyaasadda ayaa u muuqda mid ka shiidaal qaadanaya canbaaraynta Xukuumadda Somaliland la daba taagan tahay Golahaas Dalka lagaga dhawaaqay, kaas oo dagaal dhanka warbaahinta ah ay xukuumaddu ku qaadday una adeegsatay in ay ka difaacaan Dadweyne iyo Hay’addo kale oo cambaareeyey golahaas.

Sidoo kale, waxa isweydiin mudan sharciyadda ay Guddida Diiwaangelinta oo hawshooda Shaqo badankeedu ku ekaa Diiwaangelintii Ururrada isla markaana hawl-galladooda shaqo iyo sharciyadda dhismahooda mad-madow ku jiro, awoodda ay kaga hadli karaan Golaha ay ku dhawaaqeen siyaasiyiinta oo aan ahayn Gole Siyaasadeed Qaran balse sida ay Siyaasiyiintii ku dhawaaqday ku sifeeyeen, ah Gole Shacbi oo Wax lagu toosiyo.

Xubnihii Siyaasiyiinta ee ku dhawaaqay Golaha Wadatashiga ayaan ilaa hada wax jawaab ah laga haynin iyadoo Xukuumaddu warbaahinta maalin kasta dhaliilo ugu soo jeedinaysa, balse golahani waxa ay wakhti hore daboolka ka qaadeen in aanu golahoodu ahayn gole Qaran balse uu yahay gole toosin ah oo dalka ka bad-baadinaya jahwareer siyaasadeed oo ay sheegeen inuu dalka ka jiro.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa