Guddi Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Shaqo Abuurka iyo Xakamaynta Tahriibta Dhalinyarada oo Kulankoodii labaad Maanta isugu yimi

Hargeysa (SLpost)- Guddi heer Wasiir ee dhowaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay ka hortagga tahriibka iyo shaqo abuurka ayaa maanta warbixin ka dhegaystay Taliyaha Laanta socdaalka Maxamed Cali Yuusuf

Taliyuhu waxa warbixintiisa ku sheegay inay hay’ad ahaan ka hawl-galeen dhammaan deegaamada ay xarumaha ku leeyihiin ee Gobolada Somaliland, gaar ahaana ay awoodda saareen magaalooyinka xuduudaha ku yaalla oo wacyi-gelin laga sameeyey, si ay uga hortagaan tahriibayaasha isaga talaabaya xuduuda labada dhinac iyagoo wada shaqayn ka helaya dalalka deriska ah.

Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf waxa uu u caddeeyey gudida inay gacanta ku soo dhigeen dad tahriibaya iyo kuwii tahriibinayeyba, cadaalada-na la hor keeni doono dhowaan.

guddi_tahriibWasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ku hadlayey magaca gudida ka hortagga tahriibta iyo shaqo abuurka ayaa isna munaasabadaasi ka sheegay in shirkii sadexaad ee gudida la qaban doono Tobanka bisha soo socota laguna sii wadayo daraasada lagu hayo waxyaabaha keenaya tahriibta iyo sababaha lagu joojin karo.

Wasiir Garaad waxa uu sheegay inay Xukuumadda ka go’an tahay dhamaystirka xogta lagama maarmaanka u ah sida wax looga qabanayo tahriibta loona yarayn karo dhibaatada isa soo taraysa ee ay maalinba ta xigta ku hayso bulshada Somaliland iyo guud ahaan dalalka Gobolka.

SOMALILANDPOST.INFO