Golaha Iskaashiga Baarlamaannada Somaliland iyo Kenya oo lagaga Dhawaaqay Nairobi

Nairobi (SLpost)- Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa Khamiistii toddobaadkii hore lagaga dhawaaqay Gole ay ku midaysan yihiin Baarlamaannada Somaliland iyo Kenya, kaas oo ka shaqayn doona sii xoojinta xidhiidhka labada waddan.

Golahan oo lagu magacaabo COCAS, ayaa lagu daah-furay munaasibad laysku arkay oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo Safaaradda Somaliland ku leedahay magaalada Nairobi.

Golaha Iskaashiga Baarlamaannada Kenya iyo Somaliland, ayaa hormood u noqon doona diblomaasiyad baarlamaaneed oo taageerta dadaallada labada dowladood iyo sidii meesha looga saari lahaa wixii caqabado ah ee horyaalla wada-shaqaynta hay’adaha dowliga ah ee labada waddan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ballanqaaday inay xukuumaddooda ka dalban doonaan dedejinta fulinta heshiisyo sannadkii hore dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Kenya.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Md Liibaan Yuusuf iyo Xildhibaan Sophia Cabdi Nuur oo laga soo doorto degmo-doorashada Ijara ee degmada Gaarisa ee dalka Kenya, ahna gudoomiyaha Golahan Cusub, ayaa si wada-jir ah munaasibadda ugaga dhismaha golaha Iskaashiga Baarlamaannada Somaliland iyo Kenya.

Xildhibaan Sophia oo munaasibadda ka hadashay, ayaa Somaliland ku bogaadisay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee 31 May 2021 ka qabsoomay dalka, waxaanay casuumad u fidisay xildhibaanada cusub ee loo doortay golaha Wakiillada Somaliland.

“Somaliland waxay caalamka u muujisay inay runtii tahay dal dimuqraadi ah iyadoo qabatay doorashooyin hufan 31-kii May,” ayay tidhi Sophia Noor.

Qorshaha Abuuritaanka Golaha Baarlamaannada Somaliland iyo Kenya ayaa daba socda kulan bishii December 2020 magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyneyaasha Kenya Somaliland, waxaanay mudanayaasha baarlamaanka Kenya ku ballanqaadeen inay dowladooda ku riixayaan dedejinta & fulinta heshiisyada ku xusan war-murtiyeedkii ay kala saxeexdeen labada Madaxweyne.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md Liibaan Yuusuf oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay taageerada ay mudanayaasha baarlamaanka Kenya siiyeen Somaliland, waxaanu intaas ku daray in golaha cusub xoojin doono xidhiidhka ka dhexeeya sharci-dejiyayaasha labada waddan.

“Wada-hadalkan wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu yidhi Md Liiban Yuusuf.

Munaasibadda lagaga dhawaaqay golaha Xildhibaanda Somaliland iyo Kenya oo loogu talagalay in lagu xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada wadan ayaa ah waddo lagu dardar-gelinayo laguna dhiirrigelinayo is-dhex-galka gobolka iyadoo loo marayo iskaashi dhaqaale, ganacsi iyo nabadgelyo ayey ka soo qeybgaleen xildhibaano tiro badan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, Badhasaabo gobolada Kenya qaarkood, iyo martisharaf kale iyo  gabadh uu dhalay Raysal-wasaarahii hore Kenya Odinga oo lagu magacaabo Rosemary Odinga.

Munaasibadda lagu daah-furay Golahan waxa dhinaca Kenya uga qayb-galay Badhasaabka Garissa Cali Korane, Badhasaab-xigeenka Isiolo H.E Abdi Issa, Xildhibaan Maxamuud Macalin, Mudane. Esther Passaris (Nairobi Women Rep), Mudane. Rehema Dida Jaldesa (Isiolo), Sen. Farhia Haji (Senator), Hon. Nasri Sahal, Mudane. Cabdikariim Cismaan (Faafi), Mudane. Kuulow Xasan (Baanisa), Mudane. Babu Owino (Bariga Embakasi), Hon. Mishi Mboko (Likoni), Hon. Ali Wario (Bura), Hon. Aadan Xaaji (Mandheera Galbeed), Amb. Abubakar Ogle.

Dhinaca Somaliland, waxa munaasibadda uga qayb-galay Sii-hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Liban Yussuf, Wakiilka Somaliland ee Kenya Danjire Baashe Cawil, Wasiirradii Arrimaha Dibedda xukuumadii hore Kulmiye Maxamed Cabdillahi Cumar iyo Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Ganacsato iyo muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ku nool dalka Kenya.

Markii ay munaasibadu soo dhammaatay, waxa ujeeddada loo aasaasay Golahan si faahfaahsan uga warbixiyey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf oo labadooduba ku dheeraaday faa’idada hirgelinta golahani u leeyahay isu-soo-dhawaanshiyaha iyo kor-u-qaadista xidhiidhka labada waddan.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Danjire Baashe Cawil iyo Wasiir Liibaan Yuusuf

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net