Golaha Wasiirrada Somaliland oo Yeeshay Shir aan ahayn iyo Arrimo Ka soo baxay

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Maanta yeeshay Shir aan Caadi ahayn, kaasi oo lagu gorfeeyay hirgelinta Nidaamka E-Government (Somaliland E-government system) oo ah qorshe ay soo diyaarisay Wasaaradda Technology-yada ee Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ka dib markii uu dhamaaday, ayaa lagu faahfaahiyey qodobbada arrintan ku saabsan ee shirka lagu falan-qeeyey.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyey hirgelinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system).

Golaha Wasiirada Somaliland
Golaha Wasiirada Somaliland

Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda,  ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigtay hirgelinta nidaamka E-government oo ah barnaamij hufan oo deg-deg ah kaasoo dhammaan adeegga dawladda u beddelaya habka horumarsan ee casriga ee la jaanqaadaya Tignoolajiyadda casriga ah (Electronic Government), si dawladda Somaliland ula jaanqaado horumarka Tiknoolajiyadda, waxaana barnaamijkani uu ka qayb-qaadan doonaa horumarka dhaqaalaha, fidinta adeegga bulshada, ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda, daah-furnaanta shaqada, maamul daadejinta shaqooyinka, xaddidaadda kharashaadka  haatan dawladda kaga baxa Tiknoolajiyada, keydinta iyo ilaalinta badqabka xogta dawladda  iyo fududaynta macluumaadka sharciga, wuxuuna isku xidhi doonaa hay’adaha laamaha dawladda isagoo midaynaya wasaaraddaha shaqo wadaagga leh.

Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u horraysay ee laga hirgelinayo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo muujinaysa heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu u guurtay.

Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana  nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo    waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII)”, sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.