Golaha Wasiirrada Somaliland oo Qalinka ku Duugay Odoroska Miisaaniyad-sannadeeda 2014 oo tiradeedu Rubuc-laab ka badan tahay Ta Sannadkan

golaha wasiirada somalilandHargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland oo maanta isugu yimi fadhigooda todobaadlaha ah oo uu shir-gudoominayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa ansixiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka sannadka soo socda ee 2014-ka, taas oo miisaaniyadda sannadkan ka badan Boqolkiiba 20.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul oo shirkaasi ka dib u waramayay saxaafada ayaa sheegay in miisaaniyaddani ay tahay tii ugu badnayd ee Somaliland yeelato isla markaana ay gaadhayso 212 Milyan oo Dollar.

 “Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada oo uu gudoominayay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa goluhu ku ansixiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka 2014-ka. Waxaanay miisaaniyaddani Goluhu ansixiyay ay dhammayd 152 Milyan oo dollar oo xukuumadda dhexe ah. Waxa kale oo jira miisaaniyadda hay’adaha kale ee dawliga ah, marka wada guud ee miisaaniyaddu noqonayso 212 Milyan oo Dollar. Waa miisaaniyad aad u badan oo wax-weyn ka qaban doonta hawl-socodka adeegga dawladda,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.

Afhayeen Dhuxul waxa uu intaas ku daray, “Waxa aad loogu ammaanay Wasiirka Maaliyadda sida daacadnimadda leh iyo kartida leh ee uu u soo saaray Miisaaniyaddan,” ayuu yidhi Mr Dhuxul.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Miisaaniyadda 2014, waxay miisaaniyaddii sanadkan 2013-ka ka badan tahay 20%.”

Afhayeenku waxa uu sheegay inay ku jiraan odoroska miisaaniyadan mashaariic faro badan oo horumarineed oo ay ka mid yihiin waxbarashadda, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyadda bulshadda.

Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay In miisaaniyadan kharash loogu daray dhismaha jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco. Waxaanu tilmaamay in Golaha Wasiirrada Somaliland ay shirkii maanta kaga dhawaaqeen in mid waliba 2 kun oo dollar oo mushaharkiisa ah ugu deeqayo jidkaasi oo halbowle ah.

Miisaaniyadan oo noqonaysa ugu badnayd ee Somaliland yeelato, ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda loo gudbiyo Golaha Wakiilada oo xaq u leh Ansixinteeda.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilnadpost.net