Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Lafo-Guray Doorashada Ururrada Siyaasadda iyo Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu lafo-guray qodobbo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan Doorashada Ururrada Siyaasadda iyo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la filayo inuu bishan ku qabsoomo Magaalada Burco.

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland waxa lagu ansixiyey qabyo-qoraalka Xeerka ilaalinta Xogta Elektrooniga halka sidoo kale Golaha loogu qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka Shaqaalaha Dowladda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpostnet, ayaa isagoo dhammeystiran u qornaa sidan:-

Advertisement
Golaha Wasiirrada Somaliland
Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, 03 August, 2023 – via Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha JSL

“Fadhigii 115aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guud ee dalka.

Sidoo kale, goluhu wuxuu lafo-guray doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi Qaran ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco.

Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faah-faahin dheeraada golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud.

Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement