Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka dooday Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedyada 2022 ilaa 2024-ka

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshayOdoroska Miisaaniyadaha Sannadaha 2022 ilaa 2024-ka, kaddib markii goluhu Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ka dhegaysatay warbixin ku saabsan miisaaniyadaha saddex sanno ee socda iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.

Waxa arrintan iyo qodobbo kale lagaga hadlay Fadhiga 77-aad Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Maaliyadda, Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha warbixin ka siiyey qorsheyaal lagu dardar gelinayo nabadgelyada guud ee dalka, halka ay xilligan marayso iyo dedaallada ay ciidamada kala duwan ee amnigu ugu jiraan sugidda amniga qaranka. Waax kale oo goluhu warbixin ka dhegeystay wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan oo golaha uga war bixiyey qodobbada uu ka kooban yahay buugga xogsidaha qaran (Country Profile) oo ay wasaaraddu soo diyaarisay loona qaybiyey nuqullo ka mida golaha wasiirradda.

Advertisement

Warku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo golaha warbixin ka siiyey oddoroska miisaaniyadaha 2022 ilaa 2024 iyo xaaladda dhaqaale ee dalka, isagoo wasiirku golaha la wadaagay saadaasha dakhliga iyo waxyaabaha mudnaanta la siinayo ee lagu kharash garaynayo, waxaana fadhiga lagaga wada hadlay xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay wakhtigan. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu dood guud ka yeeshay Oddoroska Miisaaniyadaha 2022 – 2024-ka

Gebo-gabadii, waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in goluhu Warbixin ka dhegeystay wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka war-bixisey dedaallo ay wasaaraddu sii kordhisay oo lagaga hortegayo Xaalufka deegaanka, gaar ahaan shidiska dhirta qoyan ee dhuxusha laga sameeyo oo sida warka lagu sheegay muddooyinkan dambe si xawli ah looga ganacsado iyo dedaallada Wasaaraddu ilaa hadda kaga hor tagtay ama ku joojisay xaalufinta lagu hayo deegaanka oo ay laba jibbaareen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.nret

Follow us On