Golaha Wasiirrada Somaliland oo Go’aamo Xasaasi ah Ka Soo Saaray Qabsoomidda Doorashooyinka

“Ilaalinta Amniga Qaranka, Fulinta Xeerarka iyo ka hortagga rabshaduhu waxay ka mid yihiin waajibaadka Xukuumaddu u xil-saaran-tahay” – Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta laga soo saaray Go’aamo khuseeya muranka sharci ee ka taagan Doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada oo ay isku maan-dhaafsan yihiin Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Fadhi ay Khamiista yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoomiyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray lix Qodob oo ka duulaya mowqifka xukuumadda ka qaadatay khilaafka Sharci ee ka taagan qabsoomidda Doorashooyinka ururrada siyaasadda iyo Madaxtooyada, waxaana go’aamada lagu sheegay in khilaaf kasta oo jira xalkiisa loo marayo shuruucda dalka u dejisan.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 98aad ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa lagu lafo-guray arrimo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo doorashooyinka.

Ugu horayn goluhu wuxuu xusay in Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasaddu iyagoo raacaya xeerarka dalka u dejisan ay dhamaystireen marxaladdii koowaad ee diiwaangelinta ururada siyaasadda, taas oo ay ka soo gudbeen 15 urur siyaasadeed oo la siiyey ogolaanshaha ku meelgaadhka ah oo ay ku hawl-galaan. Sida uu sharcigu dhigayo saddexda xisbi qaran ee hadda jiraa ma galayaan marxaladda koowaad ee ay ka soo gudbeen 15 Ururr Siyaasadeed, waxase ay xisbiyadu ka qaybgelidoonaan tartanka doorashada xisbiyada/ururrada siyaasadda ee ay ku soo baxayaan saddexda xisbi qaran ee la siinayo shahaadada xisbinimo taas oo ay kaga qaybgelayaan tartanka Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Goluhu isagoo ka duulaya arrimahaa kor ku xusan waxa uu soo saaray qodobadan:-

  1. Waxa loo raacayaa arrimaha Doorashada xisbiyada/ururada, Xeerarka dalka ay ka mid yihiin Dastuurka, Xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer Lr-91/2020, Xeerka Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Lr-14/2011 iyo qaraarkii Maxkamada Dastuurkiga ahi soo saartay.
  2. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo fulinaysa Lr-14/2011 qodobkiisa 6aad oo dhigaya in 10-kii sannaba hal mar loo tartamo Saddexda Xisbi Qaran ee dalku yeelanayo, waxay dhamaystirtay tallaabooyinkii sharci ee xukuumadda kaga aadanaa hawlahaa.
  3. Xukuumadda waxa ka go’an in lagu dhamaystiro hawlaha diiwaangelinta, kala saarista iyo doorashada xisbiyada/ururada siyaasadda wakhtiga sharcigu u cayimay, iyadoo hawlahaasina uu sharcigu u xilsaaray Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.
  4. Cid kasta oo cabasho ka qabta hirgelinta xeerarka doorashooyinka waxay dacwad u gudbin karaan hay’addaha garsoorka ee u xilsaaran. Haseyeeshee Cidina xaq uma laha in ay si cunfi ah oo ka baxsan sharciga ku raadiso sida ay rabto.
  5. Ilaalinta Amniga Qaranka, Fulinta Xeerarka iyo ka hortagga rabshaduhu waxay ka mid yihiin waajibaadka Xukuumaddu u xil-saaran-tahay.
  6. Golaha wasiiradu waxa uu ku bogaadinayaa ciidamada amniga ilaalinta nabadgelyada dalka ee ay heeganka u yihiin goobkasta iyo goorkasta, waxaana uu goluhu si adag uga digayaa cid kasta oo waxyeelo u geysata ama kala hortimaada ciidamada ilaalinta nabadgelyada falal lid ku ah xil gudashadooda. “ Sidaas lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ayaa ka soo horjeeda Doorashada ururrada siyaasadda oo sida dastuurka ku xusan ay tahay in 10-kii sannoba hal mar la furo. Saddexda Xisbi Qaran ee Waddani, UCID iyo Kulmiye oo Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012-kii ka soo dhex-baxay ururradii kale ee siyaasadda oo ay tartameen kaddib markii badhtamaha sannadkii 2011-kii dib loo furay ururrada siyaasadda, waxa uu muddo-xileedkoodu ku egyahay badhtamaha sannadka 2022 oo la furi doono diiwaangelinta Ururrada.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ku doodaya in doorashada Madaxtooyada oo ku beegan bisha November 2022-ka ay ka soo horeyso Doorashada ururrada siyaasadda oo diiwaangelintoodu bilaabantahay bishii June ee sannadkan, iyadoo ilaa hadda ay is-diiwaangeliyeen 15 urur-siyaasadeed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net