Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Go’aamo Culus Ka Soo Saaray Xaaladda Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Fadhi deg-deg ah oo Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caawa ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada, ayaa laga soo saaray go’aamo khuseeya xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood iyo dagaalkii maanta ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo malleeshiyo-beeleed ka amar-qaata madaxda dhaqanka ee shirku uga socdo magaaladaas.

Kulan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood iyo mowqifka xukuumaddda Somaliland ee khuseeya xaaladda ammaanka ee magaaladaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in dood iyo falan-qeyn kaddib ay Golaha Wasiirradu soo saareen go’aamo isugu jira baaq, qayla-dhaan, mowiqifka Xukuumadda, waxaanay go’aamadani u qornaayeen sidan:-

Advertisement
  1. Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay Qaranka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad.
  2. Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan.
  3. Goluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood.
  4. Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado.
  5. Golaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa.
  6. Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday hiirtii hore ee saaka.
  7. Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood.”

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On