Golaha Wasiirrada Somaliland oo ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2022-ka oo Boqolkiiba 17 Korodhay

Ciidammada Kala duwan oo Boqolkiiba 20 mushaharka loo kordhiyey

Miisaaniyadda Siyaasadda Arrimaha Dibadda oo la kordhiyey

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta yeeshay Fadhigoodii 84aad, ayaa dood dheer iyo falanqayn kaddib maanta ansixyey Odoroska miisaaniyad-sannadkeedka 2022-ka.

Fadhiga maanta Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu meel-mariyey Miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, taas oo cadadkeedu dhanyahay 3,447,802,505,538 SLSH (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol Afrtan iyo Toddoba Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba Milyan, Shan Boqol & Shan Kun iyo Shan boqol Soddon iyo siddeed Shilin), waxaanay miisaaniyad sannadkeedkani tii sannadkii hore ka badan tahay 17%. Miisaaniyad-sannadeedkii 2021 ayaa ahayd 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2022-ku waxa ay u kala korodhay Miisaaniyadda guud ee dawladda oo 17% korodhay, Miisaaniyadda Dawladda dhexe oo 11% korodhay, Miisaaniyadda dawladaha hoose waxa korodhay boqolkiiba 44, Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda oo korodhay 12%, Mashaariicda mucaawimooyinka dibeda oo iyagana miisaaniyaddoodu korodhay 41%.

Warku waxa uu intaas ku daray Odoroska miisaaniyadda sannadka 2022-ka ay ku jirto 20% loo kordhiyey Mushaharka Ciidammada kala duwan ee dalka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022 muhiimadda koowaad lagu saari doonaa Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka, Xakamaynta sicir-bararka,  Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland, Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka, Xoojinta amniga,  Qabashada iyo soo saarista biyaha, Ku-talogalka abaaraha, Xoojinta keydka qaranka, Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada, Dhiirrigelinta wax-soo-saarka, Deegaanka,  Xoojinta ictiraaf raadinta, Kaabayaasha.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, wasiirka wasaaradda Horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo qodob qodob u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, waxaanu xusay inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyada oo ay xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho-dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka.

Guntii iyo gebo-gabadii waxa warka ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in dood iyo falanqayn dheer kaddi uu  madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi amray in cod loo qaado ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 30 masuul oo isagu jiray wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno. waxaana in la ansixiyo u codeeyey 29 wasiir, halka uu Hal wasiir oo aan magaciisa la xusin ka aamusay ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka.