Golaha Wakiillada oo Ku kala Qaybsamay Saamaynta Ka Dhalatay Mudaharaadyadii Mucaaradka iyo Jawaabta Xildhibaannada Muxaafadka

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada Muxaafadka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ka jawaabay eedaymo ay shalay xukuumadda u jeediyeen xubno ka tirsan Xildhibaannada ku abtirsada xisbiyada Mucaaradka ee ku jira Golaha Wakiillada.

Mudaneyaasha oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha, waxa ay xukuumadda ka difaaceen eedaymo ay xildhibaannada Golahooda qaar ka tirsani u jeediyeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.