Golaha Wakiillada Somaliland Oo Go’aamo 18 Qodob Ka Kooban Ka Soo Saaray Xalka Xiisadda Laascaanood

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Guddi gaar ah oo Golaha Wakiillada u xil-saaray Daraasaynta Xalka Xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, ayaa maanta Golahaas ka horjeediyey warbixin ku saabsan baadhitaanno kala duwan oo ay sameeyeen.

Guddiga ayaa warbixinta ay soo jeediyeen ee ku saabsan xaaladda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood oo dhexeeya Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyaad Isku urursaday magaaladaas, ayaa Golaha u soo bandhigay Go’aamo ka kooban 18 Qodob.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada ayaa xildhibaannada ka hor akhriyey go’aamada guddigu soo saartay iyo natiijada cod gacan-taag ah oo Goluhu u qaaday.

Advertisement

https://youtu.be/sMpu0WMN5PM

Advertisement