Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Aagga Cashuuraha ka Caaggan

 

Hargeysa (SLpost)- Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka Ganacsiga ee Aagga Cashuuraha ka caaggan ee Xeer Lr 93/2020.

Fadhiga Golaha wakiiladda oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax, waxaana fadhiga ka soo xaadiray 47-xildhibaan iyada oo ay mudanayaashu qodob qodob u ansixiyeen xeerka.

Advertisement

Xeerka Aagga Ganacsiga Cashuuraha ka caaggan ee Xeer lambar 93/2020, waxayna mudanayaashu cod gacantaag ah ku meel mariyay xeerka waxaana ogolaaday lix iyo sodon xildhibaan, halka ay diideen shan xildhibaan, iyada oo ay ka aamuseen shan mudane, guddoomiyuhuna muu codaynin sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerka Aagga ganacsiga Cashuuraha ka Caaggan ee Xeer lambar 93/2020.

 

Follow us On