Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Xeer-hoosaadka ay ku shaqayn doonaan

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeer-hoosaadka ay ku shaqayn doonaan oo maalmihii u dambeeyey ay mudaneyaashu doodo ka yeesheen, iyagoo kaabis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerkii-hoosaadkii ay ku shaqayn jireen golihii ka horreeyey.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa ka soo qayb-galay 76 Xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxaana ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Guddi-hoosaad loo xil-saaray Xeer-hoosaadka Xildhibaan Cabdilaahi Muuse oo mudaneyaasha warbixin ka siiyay kaabista ay ku soo sameeyeen xeer-hoosaadka.

Xeer hoosaadka oo ka kooban 73 qodob waxa ansixintiisa ogolaaday 70 xildhibaan, waxa diiday 4-xidhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeer-hoosaadka Golaha ee wax-kabeddelka iyo kaabista lagu sameeyey.

Muuqaalka Hoose ka daawo Qaabkii ay u dhacday Ansixinta Xeer-hoosaadka Golaha ee fadhigii maanta

https://www.youtube.com/watch?v=iqnvVdaxNvs