Golaha Wakiillada oo Meel-mariyey Xeerka Aasaaska hay’adda Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqa

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay cod aqlabiyad ah ku  ansixiyeen xeerka Aas-Aaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey Guddoomiye Xigeenka 1aad ee golahaasi Md Baashe Maxamed Faarax, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey  xeerka Kumishinka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, Iyadoo laga saaray Qodobka afar iyo Tobnaad farqadiisa labaad oo dhigaysay Xasaanadda .

Fadhigan Golaha wakiilada oo ay soo xaadireen 43 Mudane waxaa ansixinta xeerkaasi ogolaaday 26 Mudane, waxaa diiday 10 mudane waxaana ka aamusay 6 mudane Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay wax ka bedelkii iyo kaabistii lagu sameeyey xeerka Kumishinka maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Xeerkan ayaa mudo badan hor yaalay Golaha Wakiilada isla markaana ahaa mid dabar ku ah hawl gudashada Komiishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa.

Somalilandpost.net/Hargeysa