Golaha Wakiillada oo Hor-joogsaday Ansixinta Labada Xubnood ee Xisbiyada Mucaaradku u soo Xusheen Guddiga Doorashooyinka

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaaddeen hor-joogsaday ansixinta laba xubnood oo xisbiyada mucaaradka ah u metelaya Guddiga Doorashooyinka.

Fadhiga Golaha Wakiillada ayaa madaxweynaha Somaliland todobaadkii hore ka dalbaday inay isugu yimaaddaan si loo ansixiyo labada xubnood ee xisbiyada Mucaaradka kaddib markii la xalliyey khilaaf doorashooyinka hadheeyey oo Axsaabta iyo xukuumaddu heshiis rasmi ah ka gaadheen.

Labada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka u metelaya laba xisbi mucaaradka, ayaa kala ah Cabdifataax Ibraahim Xasan oo Xisbiga UCID ah isla markaana ku jiray guddigii hore ee doorashooyinka oo tiraba laba jeer oo hore xubin ka ahaa iyo Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar oo xisbiga WADDANI u metalaya.

Fadhiga Saaka ee Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 51 xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee goluhu ka kooban yahay, ayaa cod gacan taag ah u qaaday labada xubnood.

Cabdifataax Ibraahim Xasan, waxa ogolaaday 29 xildhibaan, halka Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar ay codkooda siiyeen 31 mudane, sidaasna waxa ay labada xubnoodba ku waayeen kalsoonida golaha Wakiillada, iyadoo la doonayey in xubin waliba hesho kalsoonida 42 mudane oo ah kala badh tirada guud ee mudaneyaasha Golaha Wakiillada. Waxaanay sidaas ku waayeen xubinimada sharci ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland