Golaha Wakiillada Oo Dood Ka Yeeshay Heshiiska DP World

Hargeysa  (SL.Post) Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhi ay maanta yeesheen  waxay dood ka yeeshay heshiiskii ay todobaadkan Xukuumaddu hor keentay ee DP World lala soo galay

 

 

 

Fadhigan ay maanta mudanayaashu dooda kaga yeesheen waxay shirguddoominayay Guddoomiyaha Glaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxay doodan mudanayashu yeesheen ay ku soo bandhigeen sida aanay suurto galka ahayn heshiiskan, halka mudanayaasha muxaafidka ahina ay ku doodayeen in heshiiskani uu sharciyada waafqasan yahay.

 

 

 

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa inta ugu badani waxay Xukuumadda Somaliland u soo jeediyeen in golaha la keeno heshiiskii saxda ahaa ee ay kala saxeexdeen shirkada DP World,iyaga oo sidoo kale ka dhawaajiyey in golahii Wasiirrada ahaa ee horyimi goluhu ay hadalo iskhilafsan ka bixiyeen heshiiska.

 

 

 

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ka soo doodi doona heshiiskan DP World ee Dekeda Berbera.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa