Golaha Wakiillada oo Cod Aqlabiyad ah ku meelmariyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015 iyo Jewigii maanta ee Golaha oo Buuq ka dhashay

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015 oo maalmihii u dambeeyey hortaalay isla markaana ay doodo iyo falan-qayn ku sameeyeen Mudaneyaasha Golahaa, ka dib markii wasiirka maaliyaddu shalay warbixin faahfaahsan golaha ka siiyey ku-talo-galka Miisaaniyadda.

Odoroska Miisaaniyadda sannadka 2015 noqonaysa Miisaaniyaddii ugu xaddiga badnayd ee Qaranka Somaliland yeesho, ayaa dhan 251 Milyan oo Dollar, taas oo ay ku jiraan Kharashka doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo la filayo inay sannadka dambe badhtamihiisa ka qabsoomaan dalka.

Golaha Wakiillada oo Cod Aqlabiyad ah ku meelmariyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015 iyo Jewigii maanta ee Golaha oo Buuq ka dhashayFadhiga maanta ee golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayey guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan ay xildhibaannada mucaaradku ka abuureen fadhiga, ka dib markii laysku af-garan waayey Ajanadaha fadhiga maanta oo la keenay Warbixin ay soo diyaariyeen guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Daba-galka Musuq-maasuqa oo maalmihii u dambeeyey kormeerro kala duwan ku marayey gobollada iyo degmooyinka dalka, haseyeeshee waxa markii dambe laysla ogolaaday in la ansixiyo miisaaniyadda isla markaana dhegaysiga warbixinta Guddiga Daba-galka Musuq-maasuqu dib loogu dhigto fadhiyada dambe ee golaha.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 43 Mudane, waxa Odoroska miisaaniyadda 2015 ogolaaday ansixinteeda 39 xildhibaan, 3 mudane wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasaanay ku ansaxday miisaaniyaddu.

HALKAN KA DAAWO WARKAN