Golaha Wakiillada oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Laba Xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey labada mas’uul ee kala ah Wasiirka wasaaradda Dib u dejinta iyo dib u habaynta Md. Saleebaan Ciise Axmed iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Md Cabdisalaan Maxamed Xasan.

Golaha WakiilladaFadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiaxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa mudaneyaasha ka hor akhriyey digreetooyinkii lagu magacaabay mas’uuliyiintaasi iyo taariikh nololeedkoodii.

Dhanka kale, labada mas’uul waxay mudanayaasha ka hor jeediyeen warbixino tilmaamayay hawlahii ay qabteen mudadii magacaabistooda ka dambaysay iyo qorshayaasha u degsan mustaqbalka. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu gudo galay cod u qaadistii ansixinta labada wasiir iyadoo ay fadhiga maantana soo xaadireen 48 mudane.

Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) waxaa magacaabistiisa ansixiyey 47 Mudane, cid diidayna ma jirin, cid ka aamustayna ma jirto, gudoomiyahuna ma codayn.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta, tamarta iyo biyaha Md Cabdisalaam Maxamed Xasan waxaa magacaabistiisa ansixiyey 46 Mudane, cid diiday ma jirin, waxaa ka aamusay hal mudane.

SOMALILANDPOST.NET