Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah iyo Muhiimadda uu leeyahay

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Golaha Wakiillada Somaliland (PhotoFile)

Xeerkan waxa uu oggolaanaya in dalka laga furo ururro u dooda xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr-31/2020 oo kaabis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyay.

Wax-ka-beddelka iyo Kaabista lagu sameeyey Xeerka Shaqaalaha Rayidka oo ka soo noqday Golaha Guurtida oo markii hore loo gudbiyey, ayaa shalay loo qaybiyey mudaneyaasha Wakiillada si ay naaqishaad ugu sameeyaan, kaas oo mudaneyaasha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey.

Fadhiga maanta ee Golaha oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxa ka soo xaadiray 53 mudane oo ka mid ah 82 xildhibaan ee goluhu ka kooban yahay, waxaanu guddoomiyuhu cod gacan-taag ah u qaaday ansixinta xeer Lr 31/2020.

Kaddib markii codka loo qaaday Xeerka, waxa meel-markiisa oggolaaday 43 mudane, halka 9 xildhibaan oo kalena ka aamuseen, guddoomiyaha goluhuna ma codeyn, sidaas ayaanu ku dhaxan-galay xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ah mudaneyaasha mucaaridka ah ee Golaha, ayaa sheegay in xeerkani ahmiyad weyn u leeyahay shaqaalaha, waxaanu xusay in xeerkani ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah isla markaana uu qeexayo waajibaadka loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha.

Xeerkan oo muhiimad weyn u ah bed-qabka shaqada iyo shaqaalaha, ayaa oggolaanaya in dalka laga furo ururro metela isla markaana u dooda xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net