Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (ciro), waxa ay Mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xubin ka mid ah Gudida cadaalada iyaga oo xubin kalana dib u celiyay.
Fadhigan oo ay ku sugnaayeen 45 mudane ayaa waxa ay cod u qaadeen laba xubnood oo loo soo xulay in ay ka mid noqdaan Gudidada cadaalada sida uu dhigayo hor yimi sida uu dhigayo sharciga xeer nidaamiayaha golaha wakiiladu, waxaana fadhigaas xoghayaha guud ee golaha wakiiladu ka soo jeediyay taariikh nolalaeedka waayo aragnimo iyo aqooneed ee labada xubnood oo kala aha Shariif Ibraahim Cumar iyo Cali Axmed Maygaag.
Waxa mudayaashu cod aqlabiyad ah oo dhan 45 mudane ku ogolaadeen Shariif Ibraahim Cumer in uu xubin ka ahaado gudida cadaalada iyada oo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay , gudoomiyuhuna ma codayn sidaana ay ku ansaxday xubinimadiisa gudida cadaalada .
Intaasi ka dib waxa ay mudanayaashu gudo galeen ansixinta Cali Axmed Maygaag oo ay u codeeyeen xubin nimadiisa gudida cadaalada 14mudane , islamrkaana ay ka diideen 28 mudane kana aamuuseen 3 mudane iyadoo gudoomiyuhu aanu codayn sidaana waxa uu ku waayay ka mid noqoshada gudida cadaalada , waxaana xubintaas Goluhu dib ugu celiyay gudida garsoorka cadaalada iyo xuquuqul insaanka ee golaha wakiilada.
Dhinaca kale Boqor Axmed Iimaan Warsame oo ku hadlaayay afka beelaha la hayb sooco kana mid ahaa dadaweynaha goob jooga ka ahaa fadhigaas ayaa uga mahad celiyay golaha sida wanaagsan ee ay u tix galiyeen in ay xubin ku yeeshaan gudida garsoorka , islamarkaana ay soo nooleeyeen cadaaladii lagu yaqaanay Somaliland, waxaanu raali galin ka siiyay bulshada Somaliland hadalo dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mida madax dhaqameedka beelaha Gabooye.
SOMALILANDPOST.NET