Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Ajendaha Kaldhigooda 20aad, Berrina la horgeynayo Odoroska Miisaaniyadda 2013-ka

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey ajandeyaasha horyaalla kalfadhigooda 20aad oo todobaadkan u furmay.

Ajandaha Kalfadhiga 20aad ee Golaha wakiilada ayaa waxa ka mid noqon doono dhaqangelinta Xeerar muhiimad leh kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerarka miisaaniyadda Qaranka iyo Maamuuska Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

 golaha-wakiiladaQodobbada Ajandaha Kaldhiga 20aad ee Golaha Wakiillada

• Warbixinta shir guddoonka, gudida joogtada ah iyo gudiyada Golaha wakiilada.

• Xog ogaal u noqoshada xaaladda Dalka.

• Mashaariicda sharci ee Golaha horyaal.

Sidoo kalena xeerarka lagaga doodi doono kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada waxaa ka mid noqon doona.

• Xeerka miisaaniyadda Qaranka

• Wax ka bedelka Xeerka Qareenada

• Xeerka Booliska

• Xeerka maamuuska Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

• Xeerka ka ganacsiga Hawlaha baanka

• Xisaab xidhkii Dawladda ee 2008, 2009, 2010

• Xeerka Statics-Law.

Waxaa kaloo kalfadhigaasi hawlihiisa ka mid noqon doona

• U yeedhista mas’uuliyiinta Qaranka

• Ansixinta mas’uuliyiinta Qaranka

• Xeerarka ka soo noqda Golaha Guurtida iyo waxii kale ee soo kordha.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 42 Xildhibaan, ayaa 35 mudane ogolaadeen ansixinta ajandaha kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay lix Mudane, gudoomiyahuna ma codayn, sidaana waxaa ku ansaxay ajandaha kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada somaliland.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ansixinta ka bacdi, waxa uu mudanayaasha ku wargeliyey in maalinta berrito golaha la hor keeni doono odoroska miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2013, si goluhu u ansixiyo.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net