Golaha Wakiillada Oo Ansixiyay Heshiiska Xukuumaddu La Gashay DP World

Hargeysa  (SL.Post) Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta ansixiyay heshiiskii ay Xukuumadda Somaliland la gashay shirkada DPWorld ee ku saabsanaa Dekeda Berbera.

 

 

13895215_1021057988008054_4537276984540708435_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Fadhigan oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha  Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) , waxaana fadhiga ku sugnaa 74 Xildhibaan. Waxa heshiiska ogolaaday in la ansixiyo 69 xildhibaan, waxaana diiday 4 Xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay heshiiskii ay Xukuumadda Somaliland la gashay shirkada DPWorld.

 

 

 

Heshiiskan ayaa shalay ay doodiisu ka bilaabantay golaha kaasi oo maantana loo balansanaa in ay ka doodaan sideed xildhibaan oo shalay wakhtigu ka dhacay, balse sideedii xildhibaan ee maanta dooda ulahaa ayaa sheegay inayna ka doodayn heshiiska.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa