Golaha Wakiillada iyo Hay’adda Bisha Cas oo Ka-wada Hadlay Xaaladda Maxaabiista Dagaalkii Laascaanood

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada Somaliland u qaabilsan Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha, ayaa maanta Kulan la yeeshay Madax sare oo ka socday Hay’adda Bisha Cas ee ICRC.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Md. Fu’aad Axmed Diiriye oo ay weheliyaan Xildhibaan Guleed Warsame, Xildhibaan Khadar Cali Xakiim, La-taliyaha Guddiga Axmed Yuusuf Xuquuq iyo Xoghaye, Cabdiraxmaan Jamac Nuuraani, waxa ay xarunta Golaha wakiillada kula Kulmiyeen Madaxa ICRC Somaliland Jimcaae Cali Nuur oo ay Weheliyaan Samuel Almeida iyo Merick Freedy Alagbe oo ah saraakiil saresare oo ka tirsan hay’adda Bisha Cas.

Sida lagu sheegay Qoraal lagu baahiyey ciwaannada Baraha Bulshada ee Golaha Wakiillada, waxa ay xildhibaannadu hay’adda Bisha Cas ka xog-warraysteen xaaladda maxaabiista Ciidanka Qaranka eek u sugan Laascaanood iyo Sida ay uga hawl-galeen Wax-ka-qabashada baahiyaha bani’aadamimo ee maxaabiistaasi xaqa u leeyihiin iyadoo laga shidaal-qaadanayo xeerarka caalamiga ah ee arrimahan khuseeya.

Advertisement

Warku waxa uu intaas ku daray in Guddigu warbixin ka siiyeen madaxda hay’adda ICRC Shaqada ay qabtaan iyo natiijada kormeero ay ugu kuur-galeen xaaladda xabsiyada dalka oo ay ku xidhan yihiin maxaabiis lagu soo qabtay dagaalka Laascaanood.

Gebogabadii, madaxda hay’adda ICRC waxa ay Guddiga Golaha Wakillada uga Mahad-celiyeen dadaalkaa ay ugu jiraan Ilaalinta Xuquuqda Bani’aadanka, waxaanay dhiirrigeliyeen sii xoojinta isweydaarsiga afkaarta iyo xogaha ku saabsan hawlaha xuquuqda bani’aadamka ee ay ka wada-shaqeeyaan iskana kaashadaan Arimahaa Taagan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement