Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Wasiiro Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

Hargeysa (SL.Post) Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu Shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  waxay mudanayaashu cod gacan taag ah ku meel-mariyeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo iskugu jiray Wasiiro, Wasiiru dawlayaal, Wasiir ku xigeeno iyo Guddoomiyaha hay’adda shaqaalah dawladda oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay, waxaana fadhiga ku sugnaa 51 Xildhibaan.

download

Ku Xigeenka Xoghayaha Golaha Wakiillada ayaa mudanayaasha u akhriyay khibrada Aqooneed ee ay leeyihiin Wasiirradan ay Xildhibaanadu codka Kalsoonid ah siiyeen, waxaana ogolaaday 50 Xildhibaan,  cid diiday ma jirto, Guddoomiyuhuna muu coday sidaas ayaana lagu ansixiyey.

Wasiirradda arrimaha guddaha iyo Duulista iyo hawadda Yasiin X. Maxamuud Xiir Faratoon iyo Farxaan Aadan Haybe oo ka mid ah xubnahan la ansixiyey ayaa sharaxay masuuliyada ay Wasaarado ahaan u u xilsaaran yihiin.

Xubnahan Wasiirrada ah ee ay Golaha Wakiillada ansixiyey ayaa badhtamihii bishii  sideedaad ee sannadkan uu magacaabay Madaxweyne Siilaanyo.

 

Halkan ka daawo warkan oo faah-faahsan.

Somalilandpost.net