Golaha Guurtida Somaliland oo War-murtiyeed Ka Soo Saaray Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo u dhexeeya Ciidamada Qaranka iyo malleeshiyo-beeleed ka amar-qaata Garaaddada ku sugan xarunta Gobolka Sool.

Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu xukuumadda ku taageeray go’aankii ay ku qaadatay xabbad-joojinta dhinaca kaliya ah, waxaanay ugu baaqeen Garaaddada inay dhankooda ka fuliyaan xabbad-joojin bilaa shuruud ah.

War-murtiyeedka ka soo baxay Golaha Guurtida waxa kale oo lagu sheegay inay xukuumadda taageersan yihiin taakuleynta dadka ka soo barakacay dagaalka Laascaanood oo xukuumaddu shalay si rasmi ah u iclaamisay.

https://youtu.be/Y8R1JlnIRQE