Golaha Guurtida oo Masuuliyadda Muddo-kordhinta dusha u saaray Xisbiyada Mucaaradka

 

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Gudida Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Ee Golaha Guurtida Mudane C/qaadir Indho Indho Oo Kulan Warbaahineed Ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa Sheegay in Muda kordhinta Ugu Badan Ee Golaha Guurtida Samaysay Ay u Sameeyeen Xisbiyada Dalka.

Xisbiyada Qaranka Oo Muda  Xileedkoodu ahaa 5-sanadood Ay iyagu Ka Dhigeen 10- Sanadood  Balse Xisbiyada Qaranka Saluugsanyihiin Mudo kordhinta loo Sameeyey Barlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Ku Wuxuu Sheegay Haddii Madaxda Asxaabtu Ka Xishoon Waayaan Shuruucda Dalka Ay Ka Xishood Siin  Doonaan, kaabis Iyo Wax-ka-Beddel  Ku samayn Doonaan Xeerka Asxaabtu Ku Samaysanyiin Ee Xeer Lr14.

Xildhibaanku waxa uu Xisbiyada U Soo jeediyey Inay Doorashada u Diyaar-garoobaan oo ay u sii xamaan-urursadaan sidii ay u geli lahaayeen, joojiyaanna muranka.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo muuqaalka Hoose