Golaha Guurtida oo ka hadlay inuu Iscasilayo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida ayaa sheegay inay aad ula yaabeen wararka suuqa laysla dhex marayo ee sheegaya inuu iscasilay Guddoomiyahoodu.

Saleeban Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo shirguddoomiyey fadhigii saaka ee Golahaasi ayaa sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax istiqaalad ah oo uu qoray.

Iyagoo ka dareen celinaya xildhibaannadu warar aad baraha bulshada loogu faafiyey, ayaa waxa ay tilmaameen inay aad uga xun yihiin in been sidaas u faaftay laga sheego shirguddoonka Golaha.

Advertisement

Follow us On