Golaha Guurtida oo Dood Adag ka yeeshay Arrimaha Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha dalka

Golaha Guurtida oo Dood Adag ka yeeshay Arrimaha Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha dalkaHargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta warbixin kaga dhegaystay Guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golahaasi oo war-bixiyey xaaladda dhaqaale iyo duruufaha ku gedaaman heer-nololeedka bulshada iyo qoysaska dan-yarta ah, iyaga oo si adag uga hadlay korodhka maceeshadda iyo Sicirka sarrifka lacagaha Qalaad, gaar ahaan Dollarka.

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Golahaas Siciid Jaamac, ayaa mudaneyaasha Golaha Waxa loo qaybiyey Xeerka la-dagaalanka iyo Xakamaynta HIV/AIDS-ka, iyada oo sidoo kale goluhu sii waday dood ay maalmihii u dambeeyey ka lahaayeen Xaaladda Nabadgelyada dalka.

HALKAN KA DAAWO