Golaha Deegaanka Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska oo loo gudbiyey Mooshin taageerada Aqoonsiga Somaliland

Christian-MartinBristol (SLpost)- Xisbiga Liberal Democrat ayaa mooshin uu soo diyaariyey xildhinaan Christian Martin oo laga soo doorto deegaanka Clifton East, kaas oo saabsan xaqa Somaliland u leedahay in loo aqoonsado dal madaxbanaan u gudbiyey golaha deegaanka magaalada Bristol.

War-saxaafadeed ka hadlaya Mooshinka loo gudbiyey Golaha deegaanka ee Bristol oo uu dabada ka riixayo Xildhibaankan, ayaa ujeeddadiisa iyo nuxurka laga leeyahya lagu baahiyey barta Internetka uu ku leeyahay xisbiga Liberal Democrat ee xildhibaankani ka tirsan yahay.

War-saxaafadeedka lagu baahiyey website-ka Xisbiga Liberal Democrats, ayaa u qornaa sidan:

“Golaha Deegaanku waxuu aaminsan yahay in Somaliland, oo jaaliyad ka badan 10 kun ku nool yihiin magaalada Bristol loo aqoonsado dal madaxbanaan. Jaaliyada Somaliland kaalin weyn ayey kaga jiraan horumarka magaalada Bristol, isla markaana golaha deegaanku waxuu si weyn ugu baaqayaa taageerada culayska kordhaya eek u saabsan sidii dalkooda loogu aqoonsan lahaa dal madaxbanaan, isla markaana kursi ku yeesha Qaramadda Midoobay. Golaha Bristol waxuu aqoonsan yahay daliilada aqoonsiga Somaliland xoojinaya, iyo dhab ahaanta inay tahay dal nidaam dimoqraadi xasiloon leh, oo afar doorasho madaxbanaan ka dhaceen labadii qarni u dambeeyey, isla markaana xisbiyada mucaaradkoodu u madaxbanaan yihiin metelaada danaha taageerayaashooda.

Golaha Bristol, markaa waxuu ugu baaqayaa xukuumada Ingiriiska inay u aqoonsato Somaliland dal madaxbanaan, isla markaana ku dhiirigeliso wadammada kale ee aduunka inay aqoonsadaan.”

Magaalada Bristol, ayaa noqonaysa magaaladii labaad ee Golahooda deegaanku taageero Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland haddii mooshinkaasi dhaafo mudaneyaasha ku jira oo xildhibaanno kala geddisan ka soo kala jeeda. Bilowgii Bishan April, ayay ahayd markii Kalfadhi ay isugu yimaaddeen Golaha deegaanka magaalada Sheffield oo ka kooban 82 mudane ay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen inay taageersan yahay qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Bristol, UK