Golaha Deegaanka Hargeysa oo la horgeeyey Ansixinta Miisaaniyadda 2020-ka iyo Ajandeyaasha Kalfadhiga 19aad oo furmay

 

Hargeysa (SLpost)- Kalfadhiga 19aad ee Golaha Deegaanka Caasimadda, ayaa maanta ka furmay Xarunta Dowladda Hoose ee Hargeysa.

Kalfadhiga oo uu shir-guddoominayey Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen 18 xildhibaan, ayaa saaka lagu qeybiyey Ajandihiisa oo ka kooban saddex qodob oo ay ugu horeyso ansixinta miisaaniyadda Golaha ee sannadka 2020-ka iyo wax-qabadka loogu talo-galay.

Waxa kale oo Ajandaha Kalfadhiga ka mid ah siyaasadda Maamul-daadejinta iyo Isku-beddelka Guddi-hoosaadyada uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose