Golaha Deegaanka Hargeysa oo isugu yimi Fadhigoodii u horreeyey iyo nuxurka Qodobbo lagu soo qaaday

Hargeysa (SLpost)-  Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa maanta yeesheen fadhigoodii shaqo ee ugu horeeyey ee ka dib kulankii ay Maayarka ku doorteen,  waxaanay kaga hadeen xeer hoosaadka uu goluhu ku shaqeeyo.

Fadhigan oo uu shir Guddoominayey Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna Maayarka Hargyesa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo aanay saxaafaddu goob joog ka ahayn isla markaana ay ka soo xaadireen 22 xildhibaan oo ka tirsan 25-ka xildhibaan ee Golaha, ayaa markii uu dhammaaday waxa Warbaahinta uga warramay waxyaabihii lagu soo qaaday Maayarka Caasimadda Eng Yuusuf Warsame.

doorashada maayarka“Maanta waxaanu galnay  kal-fadhigii ugu horeeyey ee golaha deegaanka Hargeysa intii horena waxaanu  ku jirnay xil-wareejin iyo in aanu fahamno  sidii ay dawladda hoose u shaqayn lahayd, waxaanay xildhibaanadu wadeen daraasad ku saabsan qaabka dawladda hoose u shaqayso  wayna soo dhammaatay  markaa maanta ayaanu yeelanay  fadhigii ugu horeeyey,” sidaa waxa yidhi Eng Yuusuf Warsame Siciid oo warbaahinta uga warramay ujeeddada iyo natiijada  kalfadhiga Golaha.

Mayarku waxa kale oo uu sheegay in saddex  bilood ee ugu horreya ay ku sii shaqayn doonaan xeer hoosaadkii  Golihii Deegaanka ee Wakhtigoodu dhammaaday, “ Waxaanu  muddo 3 bilood ah ku siin shaqayn doonaa xeer hoosaadkii dawladdii hoose ee hore ay ku shaqayn jirtay ka dibna waxaanu samayn doonaa mid noo gaar ah. Waxa kale oo aanu isku qaybinay guddiyo kala duwan oo ay ka mid tahay guddida dhaqaalaha, caafimaadka iyo nabad-gelyada,” ayuu yidhi Eng Yuusuf Warsame.

Golaha Deegaanka Caasimadda, ayaa hawl-galkii u horreeyey ee ay kor ugu qaadayaan bilicda magaalada Shalay ka fuliyey qabo ka mid ah shaaricyada degmooyinka Hargeysa, iyaga oo burburiyey dhismayaasha laga hordhistay guryaha ku yaala jidadka Hareerahooda.

Eng Yuusuf Warsame iyo ku-xigeenkiisa Cabdicasiis ooh awl-galkaas hoggaaminayay, ayaa hawl-galkan ka fuliyey degmooyinka 26 June, Gacan-libaax iyo Ibraahim Koodbuur.

SOMALILANDPOST.NET