Golaha Ammaanka oo Kulan Deg-deg ah ka Yeeshay Xaaladda Cakiran ee Gaza iyo Tirada Dhimashada oo sii korodhay

Gaza (SLpost)- Kulan Al-baabadu u xidhan yihiin oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si deg-deg ah isugu yimaaddeen magaalada New York, ayaa lagaga hadlay xaaladda cakiran ee duqeynta Yuhuuddu ku hayso magaalada Gaza, waxaanay labada dhinac ugu baaqeen xabbad-joojin deg-deg ah.

Kulanka Wada-xaajoodka ee Golaha Ammaanka, ayaa ku soo beegmay ka dib hadalk uu Xogyahaha Guud ee Qaramada Midoobay ku tilmaamay Duqeynta Israel ee magaalada Gaza mid Arxan-darro ah.

Gaza_Israel (3)Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ku geeriyooday Duqeynta Israel ayaa wakhtigan maraysa 501 qof, halka tirada dhaawacuna gaadhayso 3,135, sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin.

Axaddii shalay ayaa ahayd maalintii ugu dhimasho badneyd ilaa bilowgii duqeynta oo ahayd 8-dii July, waxaana dhintay 13 askarta Israel ka tirsan iyo 100 qof oo Falastiiniyiin ah.

Ilaa intii uu dagaalku bilaabmay waxa ku geeriyooday dalka Ingiriiska 22 Israeliyiin ah.

Gaza_Israel (2)Maanta oo Isniin ah, waxa duqeynta diyaaradaha Israel ku geeriyooday Labaatan Falastiiniyiin ah, kuwaas oo 16 ka mid ahi lagu dilay Koonfurta Gaza, sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay xilli dambe qabsoomay, ayaa ku yimi codsi ay gudbisay dawladda Urdan oo la rumaysan yahay inay gudbisay qaraar qabyo oo ay dalbatay in dib u eegis lagu eego.

 

‘Xasuuq’

In ka badan 60 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeyn xooggan oo Israel ka fulisay degmada Shejaiya ee Gaza, taas oo Madaxweynaha Falastiniiyintu Maxamuud Cabbaas ku tilmaamay Xasuuq aan loo miidaan deyin.

ISRAELWaxa uu ku baaqay wada-hadallo deg-deg ah oo laysugu yimaaddo, isaga oo sheegay in aan loo dul-qaadan karin xaaladda wakhtigan ee Gaza, waxaanu weerar Israel ku tilmaamay dunuub ka dhan ah bani’aadamnimada.

ASAD18 Askari oo ka tirsan milatariga Israel, ayaa ku geeriyooday dagaalkan, kuwaas oo ay ku jiraan 2 Askari oo haysta dhalasha Maraykanka balse asal ahaan u dhashay Yuhuudda.

 

 

SOMALILANDPOST.NET