“Gobolkan (Sool) Nabadgelyadiisa Khal-khal-baa La Geliyay, Waxaanu U Nisbaynaynaa Ama La Aaminsan Yahay Inay Sababayeen…” Wasiirka Arrimaha Guddaha

Lascaanood (SL.Post) Wasiirka arrimaha guddaha  Somaliland Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Fartoon), ayaa sheegay in amaanka magaalada Lasacaanood ay khal-khal gelinayaan koox uu  ugu yeedhay Argagixiso, waxaanu xusay in la iska kaashado wax kasta oo lid ku ah amaanka.

 

0

 

Wasiirka arrimaha guddaha Yaasiin Faratoon oo ku sugan magaalada Laasacaanood waxa kale oo uu sheegay in talaabo laga qaadi dooni cid kasta oo gacan siisa kooxaha carqaladaynaya amaanka iyo xasiloonida magaalada Laasacaanood.

 

“In laga digtoonaado oo meel looga soo wada jeedo, Argagixisada iyo wax alaale iyo wixii khal-khal ka gelinaya noloshooda iyo degenaashiyahooda. Waad ogtihiin gobolkan (Sool) nabadgelyadiisa khal-khal baa la geliyay, in badan oo ka mid ah waxa dhacayay ama loo arkaa,  waxaanu u nisbaynaynaa ama la aaminsan yahay inay sababayeen Argagixiso.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Yaasiin. Xaji Maxamuud (Faratoon)

 

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland  waxa uu shacbiga ku dhaqan magaalada Lascaanood u ugu baaqay inay ka feejigaadaan gacan siinta cid kasta oo khal-khal gelinaysa amaanka, waxaanu yidhi “Waxaan shacbiga u sheegayaa qofkii Guri ka kireeya, Gaadhi ka kireeya ee gacan siiya ee la ogaado ama ha ogaado ama yaanu ogaane inuu mutaysan doono ciqaab aad u kulul, haddii ay kalifto Guryaha iyo Gawaadhida lagala wareegi doono iyo wax alaale iyo wixii ay gacan ku siiyaan oo gacan bir ah lagu qaban doono, inay ciqaab la mid ah kuwaa Argagixisada ah tay mudaysteen ay mutaysan doonaan. Maadaama oo ay gacan siiyeen oo ay gargaareen.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland

 

 

Halkana ka daawo.

Somalilandpost.net