Gobolka Daadmadheedh oo ku Guulaystay Horyaalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Xulka Gobolka Daadmadheedh, ayaa markii u horeysay ku guulaystay koobka kubadda Cagta ee gobollada Somaliland, kaddib markii ay ka badiyeen xulka gobolka Maroodijeex oo ay isugu yimaaddeen ciyaarta Finalka oo maanta ku qabsoontay garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.

Xulka gobolka Daadmadheedh ayaa xulka gobolka Maroodijeex kaga badiyey 2-1, kaddib ciyaar xiiso badan maanta gelinkii dambe ku dhexmaray garoonka Hargeysa Stadium.

Kulan Xiiso badan oo maanta Garoonka Hargeysa ku dhexmaray laba xul ee Maroodijeex iyo Daadmadheedh, ayaa labada ciyaartoyba soo bandhigeen qaab-ciyaareed Qurux badan, waxaana gool-dhalinta ku horeeyey xulka Daadmadheedh oo daqiiqadihii u horeeyey ee ciyaarta goolka koowaad keensaday, haseyeeshee xulka Maroodijeex, ayaa daqiiqado kaddib keensaday goolkooda barbarraha qaybtii hore ee ciyaarta.

Markii laysku soo noqday qaybta labaad ee ciyaarta, labada xulka waxa ay soo bandhigeen isbeddel ciyaareed oo ay ku xoojiyeen dhinaca weerarka, in kasta oo gobolka Maroodijeex fursado badan lumiyey, haseyeeshee daqiiqadii 88aad waxa gobolka Daadmadheedh u suurto-gashay inay keensadaan goolkooda 2aad kaddib weeraryahan ka tirsan xulka Daadmadheedh ka faa’idaystay khalad uu sameeyey gool-wadaha xulka Maroodijeex oo soo tufay kubbad lagu laagay goolkooda.

Ciyaarta ayaa ku soo gebo-gabowday 2-1 xulka gobolka Daadmadheedh Guushu ku raacday. Gobolka Daadmadheedh, ayaa koobka ku guulaystay iyadoo aan marnaba wax guul-darro kala kulmin ciyaarihii is-reeb-reebka ee Group-yada gobollada.

Kulanka maanta ayaa soo gebo-gabeeyey Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo garoonka kubadda Cagta Hargeysa ka bilaabmay 28-kii October, 2020-ka, waxaana tartanka ka qayb-galay 14-ka gobol ee Somaliland ka kooban tahay.

Tartankan oo noqonaya kii 8aad ee loo qabto xulalka gobollada Somaliland, waxa tirada ugu badan ee Koobabka haysta xulka gobolka Maroodijeex oo hore ugu guulaystay saddex koob oo intooda badan ay ku qaadeen garoonka kubadda cagta ee Hargeysa oo tartanka lagu qabtay.

Daawo Ciyaarta Maanta iyo Xafladda Abaal-marinta Ciyaartoyga