Go’aanka Guddida Diiwaangelintu ku shaaciyeen Saddexda Xisbi Qaran ee Dalka u soo baxay

Hargeysa (SLpost)- Guddida Diiwaan-gelinta ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo ay ku qabteen Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxay ku shaaciyeen saddexda Xisbi Qaran ee ku guulaystay Doorashaddii Goleyaasha Deegaanka kuwaasi oo noqonaya xisbi tobanka sanadood ee soo socda.

XisbigaMunaasibadda lagu shaaciyey natiijada doorashadii Goleyaasha Deegaanka, waxa ka soo qeyb galay Hoggaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee lagu dhawaaqay eek ala ah KULMIYE, WADDANI iyo UCID, waxaanay Masuuliyiintoodu ay Gudida diiwaan gelinta ka gudoomeen shahaadadii xisbiyadda.

Go’aanka Guddida diiwaan-gelintuna Ku shaaciyeen, ayaa u qornaa sidan:

Guddidu Wuxuu Cadaynayaa:
1. In xisbiga KULMIYE lixda gobo lee dalka dhammaan kaga gudbay 20%, sidaasna ku noqday xisbi Qaran 10-ka sanno ee soo socda, sida uu cadaynayo qodobka 6-da faqradiisa 2aad ee Xeer No 14/2011.
2. In Xisbiga UCID iyo Ururka WADDANI u gudbeen xisbiyo Qaran iyagoo buuxiyay shuruudaha ku qeexan qodobka 6-da faqradiisa 2aad ee Xeer No n14/2011, sidaas ayaanay ku noqdeen xisbiyo
Qaran 10-ka ee soo socda.
3. Ururrada UMADa, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN umay gudbin xisbiyo Qaran iyadoo aad la socotaan in dastuurku cadeeyay inuu dalku yeelanayo saddex xisbi oo kaliya, sidaas awgeed, ururrada UMADA, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN kumay guulaysan inay noqdaan xisbiyo Qaran.
Magacyadda Gudida Diiwaan –gelinta

1. Cabdirasaaq Jaamac Cumar
2. Aadan Geedi Qayaad
3. Cumar Xasan Axmed
4. Xasan Axmed Ducaale
5. Cabdale Ibraahim Maxamed
6. Maxamed Cabdi Maalik
7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali

Gebo-gabadii munaasibaddaas, waxa shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyada Dalsan iyo Umadda oo lagu ammaanay qaabkii ay kaga qayb-qaateen Doorashadii Deegaanka. Waxa kale oo shahaado-sharafyo la guddoonsiiyey shakhsiyaad iyo ururro kaalin mug leh ka qaatay geeddi-socodkii doorashada iyo ololayaashii ka horreeyey.

Somalilandpost

Hargeysa office