War Ka Soo Kordhay Fadhi Xasaasi Ah oo Laysugu yeedhay Golaha Wakiilada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wakiillada Somaliland laysugu yeedhay maalinta Khamiista ee toddobaadkan ayaa dib loogu dhigay bilowga toddobaadka dambe.

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo ka jawaabaya soo jeedin uga timi hay’adaha sharciga oo dalbaday in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa xildhibaannada isugu yeedhay fadhi aan caadi ahayn si ay u gutaan waajibaadka sharci ee laga dalbaday.

Haseyeeshee, qoraal uu maanta soo saaray shir-guddoonka Golaha Wakiillada ayaa lagu sheegay in fadhigaas dib loogu dhigay maalinta Sabtida oo ku beegan 27-ka July, 2024.

Qoraal kooban oo maanta ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa lagu yidhi, “Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu Mudananayaasha ku wargelinayaa in dib loo dhigay kal-fadhigii aan caadiga ahayn, kadib markii mudanayaal badan oo gobollada dalka joogaa soo codsadeen in dib loogu dhigo oo aanay soo gaadhi karin maalinta Khamiista. Haddaba, aniga oo tixgelinay codsiga mudanayaasha waxa kal-fadhiga aan caadiga ahayn la fadhiisan doonaa maalinta Sabtida oo ay bishu ku beegan tahay 27/07/2024, saacadduna tahay 8:30 subaxnimo Insha Allah.”