Go’aan Ka soo Baxay Dawladda Ingiriiska oo Saamayn ku yeeshay Dhaqaalaha Kenya iyo Hanjabaad ay Jeediyeen Muwaadiniin dalkaas u dhashay

Nayrobi (SLpost)- Ururka jaadlayaasha dalkaKenya ayaa cabasho xooggan ka muujiyey mamnuucidda xukuumada Ingiriisku dalkeeda ka saartay soo- dejinta Jaadka, waxaanay taas beddelkeeda codsadeen in xeryaha tababarka ciidamada UK iyo beerahooda ku yaal Kenya la xidho.

Waddanka Kenya oo ah dalka ugu badan ee Jaadka nooca loo yaqaano Miirooga u dhoofiya dalalka Yurub gaar ahaan Ingiriiska, waxa saamayn ku yeeshay go’aanka Dawladda Ingiriisku ku gaadhay in la mamnuuco ka-ganacsiga Qaadka oo sida badeedaha loogu dhoofin jiray dalkaas, waxaanay ururka Jaadlayaashu go’aankan u arkaan tallaabo lagu cunaqabataynayo shacabka Kenya. “Ma aragno sabab aan jaar u ahaano cadowgayaga iyo dad dibin-daabyo ku ganaaxaya shacabka Kenya,” Sidaa waxa yidhi afhayeenka ururka jaadlayaasha Miirooga Kimathi Munjuri oo u warramay jariiradda Daily Nation ee ka soo baxday magaalada Nairobi.

khat_toyotaTodobaadkii la soo dhaafay ayaa wasiirka Daakhiliga Ingiriiska Theresa May, ku dartay Jaadka maandooriyaasha laga mamnuucay in dalkaas la geliyo, iyada oo go’aankaasi noqonayo xidhitaankii suuqa jaadka ee Yurub, iyada oo dalka Holland bishii January ee sannadkan uu mamnuucay in dalkooda loo dhoofiyo Qaadka oo ay isticmaalaan qoomiyadaha ku dhaqan ee ka soo jeeda dalalka Bariga Afrika iyo Yemen.

Ingiriiska oo hore u gumaysan jiray Kenya ayaa weli ciidamadiisu tababaro ku qaataan xeryo ay ku leeyihiin Kenya, isla markaana dhul aad u ballaadhan ayey muwaadiniin Ingiriis ah beero ku leeyihiin.  “Ingiriisku tababaro ayuu ku qaataa dhulka jaadka Miiroogu ka baxo dhexdiisa,” ayuu yidhi Munjuri, waxaanu intaas ku daray, “Waxay dhul ku leeyihiin dalkayaga, markaa waa inaan tusnaa muhiimada aynu u leenahay.”

Go’aanka dawladda Ingiriisku ku mamnuucday in Qaadka loo dhoofiyo dalkeeda, ayaa ku soo beegmaya xilli baadhitaano ay sameeyeen khubaro caafimaad ay soo bandhigi kari waayeen cadeymo ku filan halista jaadka.

khat in kenyaBeeralayda jaadka Kenya, ayaa todobaad kasta dalka Ingiriiska  u dhoofiya ugu yaraan lixdan Tan oo ah jaadka nooca Miirooga loo yaqaan oo halkii Kiiloo gudaha dalka Kenya lagu iibiyo lacag gaadhaysa Siddeed Dollar, waxaana dalkaas dhaqaale ahaan sannadkii uga soo xerooda dhaqaale lagu qiyaasay $24 Milyan.

“Mamnuucidan waxa ay caqabad ku noqon doontaa dhaqaalaha deegaamada beeralayda Jaadka,” sidaas waxa yidhi Garyaqaan Florence Kajuju oo u dhashay deegaamada laga beero jaadka.

Dawladda Kenya, ayaan ilaa wakhtigan wax jawaab ah ka bixin go’aan Ingiriisku ku mamnuucay Jaadka u dhoofa dalkiisa.

Bixitaanka Geedka Jaadka Miirooga, ayaa Celcelis ahaan ku qaangaadha muddo afar sannadood, waxaanay beerashadiisu soo taxnayd muddo Qarniyo ah.

SOMALILANDPOST.NET