Go’aamo Xoojinaya Ammaanka iyo Difaaca Qaranimada Oo Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada Somaliland

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta laga soo saaray qodobbo uu ka mid yahay xoojinta Difaaca Qaranka oo meel looga soo wada-jeesto isla markaana feejignaan gaar ah loo yeesho ammaanka gudaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey Arrimaha lagaga hadlay fadhiga 116aad ee Golaha wasiirrada Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shir-guddoominayey shirka maanta.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:-

Advertisement

“Fadhigii 116aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka goluhu ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Waxa kale oo goluhu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay arrimaha dhaqaalaha dalka, maalgashiga, wax-soo saarka iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxa goluhu lafo guray masiibada dabka soo noq-noqday ee saamaynta ku yeeshay dhaqaalaha, waxana uu  goluhu isla qaatay in laga feejignaado khasaaraha uu dabku keeno, isla markaana si hufan loo baadho arrimaha dhaliyey ee ka dhexeeya dabkii suuqyada Wajaale iyo Waaheen.

Waxa goluhu soo jeediyey in Hay’addaha dhaqaaluhu mid dawladdeed iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay dardar-geliyaan kobcinta dhaqaalaha dalka, lana dhiirrigeliyo maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba.

Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Xannaanada Xoolaha oo ay soo diyaariyeen garyaqaanka guud ee qaranka iyo wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga.

Ugu danbayna waxa shirkaas ka soo baxay qodobbadan:

  1. In la xoojiyo Difaaca Qaranka meelna looga soo wada jeedo, sidoo kalena feejignaan loo yeesho Amniga Gudaha.
  2. Waxa goluhu cod gacantaag ah ku ansixiyey qabyo qoraalka Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpos.net

contacT@somalilandpost.net

Advertisement