Go’aamo Ka soo baxay Shir-sannadeedka Guddiyada Horumarinta Waxbarashada Degmooyinka Dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddiyada Horumarinta Waxbarashada Degmooyinka Somaliland, ayaa shir-sannadeedkooda ka soo saaray qodobbo lagu xoojinayo waxbarashada dalka isla markaana kor loogu qaadayo tayada manhajka waxbarasho.

Guddiga Horumarinta waxbarashada degmooyinka dalku waxa ay isla qaateen in Qur’aanka Kariimka ahi noqdo maaddo ka mid ah manhajka waxbarashada dalka isla markaana in la abuuro Sanduuq u gaar ah daryeelka Macalimiinta.

War-saxaafadeed guddigu soo saartay maanta, ayaa u qornaa sidan:-

Maadaama oo ujeedada koowaad ay tahay in go’aamadda shirkani ay ka mid noqdaan “Himiladda Maamul Wanaagga Waxbarashadda” ee Qorshaha Horumarinta Waxbarashadda (ESSP) Shanta Sano (2022-2026), waxaa laysla qaatay qodobadan hoos ku xusan:

  • Abuurista Guddiga Manaahijta Qaranka oo daadihiya cusboonaysiinta manhajka iyo Dib-u-eegista manhajkaas oo lagu salaynayo maabaadii’da iyo ujeedooyinka guud waxbarashada ee ku xusan, Dastuurka Somaliland, Siyaasada Waxbarashada, Xeerka Waxbarashada, Hiraarka Somaliland ee 2030. Sidaa darteed, maado gaar a hanoqdo Quraanka Kariimka ahi.
  • In la abuuro oo la meel-mariyo Sanduuqa Horumarinta Waxbarashadda ee heer qaran, degmo iyo dugsi si macalimiinta loo siiyo gunno ku filan oo ay ugu hoosayso (USD 500) ama gunnadda lagu saleeyo tiradda xiisadaha ee macalinku dhigo maalintii, tobaadkii, bishii ama sanadkii. Qaadhaan kasta oo la ururiyaa waa in uu wax ku biiriyaa horumarinta himilooyinka waxbarashada?
  • Guddiga Waxbarashadda Qaranku waa in ay u ololeeyaan kordhinta miisaaniyadda iyo maalgelinta waxbarashadda
  • Abuurista sanduuqa daryeelka macalimiinta iyo caafimaadka ardayda
  • Shaqaalaysiinta barayaasha cusub ee dugsiyada dawladda waa in lagu saleeyo qodobadda soo socda:
  • Sida ay dugsiyadda dawladdu u kala baahi badan yihiin, sida ku cad weel-xogeedka waxbarashadda.
  • Mudnaanta in la siinayo bareyaasha KMG ee dugsiyada dawladda wax ka dhiga ee buuxiya shuruudaha liisanka macaliminimadda
  • Waa in Lagala tashado Guddoomiyayaasha Waxbarashada ee Degmooyinka iyo Gobolada.
  • Midaynta dugsiyadda iyo madarasadaha, iyadoo dugsiyadda lagu kordhinayo taxfiidka qur’aanka iyo xoojinta barashadda Diinta Islaamka, isla markaana madaarista lagu waajibinayo inay raacaan nidaamka waxbarashadda qaranka oo ay dhigaan maadooyinka muhiimka ah (core courses)
  • Waa in dugsi walba loo qoondeeyo tiro macalimiin ah oo ku filan, isla markaana la helo liiska macalimiinta iyo shaqaalaha dugsi kasta ka hawl gala dalka.
  • Imtixaanka fasaladda 8aad iyo 12aad inay qaadaan dugsiyadda iyo Xafiiska Imtixaanaadka labaduba, iyadoo imtixaanka uu Xafiiska Imtixaanaadku qaado ilaalintiisa loo xilsaaro jaamacadaha dalka.
  • Kaltirsiga dugsiyaddu waa inuu noqdo 45- daqiiqo xiisadiiba, 6 xiisadood maalintii, iyo 6 maalmood todobaadkiiba. Ujeedku waa in meel loo helo xiisado dheeraada oo quraanka Kariimka ah lagu dhigo.
  • Intii shirku socday waxaa laysku waafaqay qeexida, liisaska goobaha degsiimooyinka, degalada, aagaga iyo degmooyinka waxbarashada.
  • Waa in Wasaaradda Waxbarashadu adeega waxbarashada u daadejiso gobolada, degmooyinka ilaa heer degsiimo.
  • Laga bilaabo 2023 shirweynaha sanadlaha ah ee Guddiyadda Waxbarashada waxaa diyaarinaya oo maamulaya Guddiga Waxbarashadda Qaranka oo farsamo ahaan adeegsanaya Waaxda Gobolladda iyo Degmooyinka ee WW&S.
  • Iyada oo laga duulayo siyaasada maamul daadajinta, waa in la isku xidho qorshaha horumarineed ee guddida degmada iyo qorshaha mashaariicda haayadaha.
  • Hawl gelinta guddida waxbarashadu waa inay noqoto qayb ka mid ah miisaaniyada iyo maalgelinta waxbarashada.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka guddigu soo saartay maanta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net