Giriiga Oo U Hanjabay Dalalka Ay Ku Wada Jiraan Midawga Yururb

Giriiga(SLpost)-Maamulka dalka Giriigga ayaa si cad u dhalleeceeyay dalalka Austriya iyo kuwa deriska la ah ee Balkans-ka oo iskudeyay inay xakameeyaan qulqulka qaxootiga.

Iyodoo Giriigga ay gaarayaa kumanaan qof oo cusub, ma awoodaan inay dadkaasi u sii gudbiyaan dalalka kale ee Yurub.

Ra’iisul wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, waxa uu sheegay in dalkiisa uu isu badalay “Makhasiinka joogtada ah ee nafta”.

Xukuumadda Athens waxa ay ku hanjabtay inay hor istaageyso dhammaan go’aanada ka soo baxay kullanka xubnaha EU ee Tahriibayaasha laga gaaray.

Giriigga waxa uu doonayaa in tiro fiican uu qaato dalkastoo kamid ah Midowga Yurub.

Asigoo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa, Alexis Tsipras, waxa uu tilmaamay in wax aan la aqbalikarin ay tahay in dalkiisa Faraha looga qaaday la tacalidda dhibaatada.