Giriiga Oo Ku Dhawaaqay In Qaxoonti Buux Dhaafiyay

EU(Slpost)-Madaxa midowga Yurub ee arrimaha socdaalka waxa uu sheegayaa in Giriigga uu buux dhaafay lana ciirciirayo qaxooti iyo tahriibayaal.

Dimitris Avramopoulos waxa uu dhammaan dalalka Yurub ku baraarujiyay inay isu diyaariyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada.

Waxa uu ku taliyay in Giriigga iyo Taliyaaniga aan looga aamusin qalalaasaha qaxootiga iyo muhaajiriinta ee haysta.

Qiyaas ahaan inta u dhexeysa labo illaa seddax kun oo qof ayaa maalinkastaa gaara dalka Giriigga.

Laakiin dadkaasi badankooda uma safri karaan waqooyiga Yurub, sababtoo ah waxaa la joojiyay dhaqdhaqaaqa xuduudaha Austria iyo dalalka Balkanska.

Weriye ka tirsan BBC-da waxa uu sheegayaa in Mr Avramopoulos waxaa loo arki karaa inuu jawaab u yahay dalalka ka hadlay goynta Giriigga, oo dalkiisa ah.

Qaar kamid ah dalalka EU waxa ay sheegeen in Giriigga laga jaro dalalka aagga Yurub ee leh isu gudbidda xorta ah.