Giriiga Oo Ku Cilinaaya Qaxoontigii Ugu Horeeyay Turkiga

Giriiga(Slpost)-Giriiga ayaa maanta bilaabaya inuu ku celiyo Turkiga boqolaalkii qof ee ugu horreeyay ee qaxooti ah, sida uu dhigayo heshiiskii muranka dhaliyay ee ay Midowga Yurub iyo Turkigu wada gaadheen.

qaxoonti1

Muhaajiriinta jooga jasiiradaha Giriigga ee aan weli dalban magan galyada ama kuwa dalbaday ee codsiyadooda la diiday ayaa dib loogu celinayaa dalka Turkiga.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa soo sheegaya in Giriiga iyo Turkiga ay u muqudaan in aysan diyaar u ahayn howlgalkan iyadoo ay jirto gabaabsi shaqaalahii qaban lahaa howshan.

Heshiiska waxaa looga gol lahaa in lagu yareeyo qulqulka muhaajiriinta gaaraya Giriiga, balse boqolaal ayaa maalin kasta dalkaasi gaarto.