Geaoge W Bush oo u ol’olaynaya walaalkii

Hargeysa(SLpost)-Madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka George W Bush ayaa bilaabay ol’ole oo ku xoojinayo walaalkii kayar Jeb oo u loolamaya sidii uu ku hanan lahaa magacaabida cidda xisbiga Republican-ka uga qaybgali doonta doorashada madaxwaynenimada.

Waxa uu la kulmay dad caan ah waxa uuna ka soo muuqday isu soo bax ka dhacay koonfurta Carolina isniintii, kahor doorashada isreebreebka ah ee dhacaysa sabtida. Donald Trump oo ka mid ah murashaxiinta ugu cadcad ee xisbiga Republican-ka ayaa aad u weeraray siyaasadihii George W Bush’s.

Jeb Bush oo horay gafarnatoore uga soo noqday Florida ayaa lacag badan u adeegsaday ol’olaha doorashada laakiin waxa uu ku guul daraystay in ay saamayn yeelato. Waxa uu ku rafaadsanyahay in uu soo qabto Trump iyo seneterka Texas Ted Cruz oo ku kala guulaystay tartamadii New Hampshire iyo Iowa

Qoyska caanka ah ee reer Buush ayaa ka gaabsaday dadaalkii magacaabistiisa wuxuuna ku adkaystay sanadkii hore in uu shaqsi ahaan u tartamayo.Laakiin Todobaadkii hore hooyadii oo ah xaaska madaxwaynihii hore ee George HW Bush ayaa muujisay taageerada ay u hayso.

Sabtidii Jeb Bush ayaa difaacay madaxwaynenimadii walaalkii, wuxuuna sheegay in uu dhisay hanaan ammaan oo nabad galyada Maraykanka u wanaagsan. Ninka ganacsadaha bilyaneerka ah Trump oo ka hadlaya dood telefashin ayaa weeraray taariikhda George W Bush wuxuuna sheegay in uu ka been sheegay sababtii loo weeraray Ciraaq, weerarkaasina wuxuu ku tilmaamay in uu horseeday daganaansho la’aanta bariga dhexe.

BBC