Gavin Williamson: Xildhibaankii Qadiyadda Somaliland horgeeyey Barlamaanka UK oo Abaalmarin helay

London (SLpost)- Md Gavin Williamson oo ah xildhibaankii baarlamaanka UK horgeeyey mooshinkii laga dooday qadiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaanno “Knight” oo ay boqortooyada Ingiriisku guddoonsiiso shakhsiyaadka lagu sharfo adeegga ay qabteen.

Shaqsiga abaalmarintn la siiyo ayaa magaciisa laga hormariyaa “Sir” oo muujineysa in uu darajadaas gaadhay.

Xafiiska Raysal-wasaaraha UK ayaa shaaciyay warka ku saabsan abaalmarinta xildhibaanka, kaasoo ay markii dmabeyna sii faafiyeen warbaahinta.

Md Williamson oo ah xildhibaanka Koonfurta Staffordshire, ayaa horay labo jeer laga qaaday xilal wasiirnimo, isaga oo markii u dambaysay ahaa Wasiirka Waxbarashada UK.

Bishii September ee sanadkii 2021-kii, Raysal-wasaaraha hadda xilka haya ee UK, Boris Johnson, ayaa Gavin Williamson shaqada wasiirnimada ka eryay kadib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada. Waxa uu markaas ahaa Wasiirka Waxbarashada ee UK oo uu hayay intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2021-kii. Xilligaas ka horna waxa uu ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee UK.

Mr Williamson ayuu magaciisa Soomaalida aad ugu dhex faafay kaddib markii uu bishii Jnaury ee sanadkan Baarlamaanka UK horgeeyay mooshin uu ku doonayay in madaxbannaanida Somaliland lagu aqoonsado.

Baarlamaanka ayaa ka dooday mooshinkaas, hase yeeshee dowladda UK ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda ku aaddan in arrinta la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ay tahay mid go’aankeeda ay leeyihiin mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Somaliland.

2019-kii ayuu booqasho ku tagay Hargeysa, isagoo markaas ahaa wasiirka gaashaandhigga ee UK, waxa uuna la kulmay madaxda Somaliland ee uu ka mid yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net