Garyaqaanno Ka hawl-galayey Maxkamadaha Hargeysa oo Shaqada laga joojiyey

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Dr. Cali Suudi Diiriye ayaa Shaqadii Qareennimo ka hakiyey Saddex Looyar oo dhawaan Warbaahinta ka sheegay in Cadaalad-darro ka jirto Maxkamadaha Somaliland.

Guddoomiyaha Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Dr. Cali Suudi Diiriye ayaa Wareegto uu soo saaray ku sheegay in Looyarrada oo kala ah Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan, Daahir Maxamed Faarax iyo Maxamed Cali Careef ay Warar borobagaando ah ka faafiyeen Garsoorka, sidaasi darteed laga hakiyey Ruqsaddii Qareennimo ee ay kaga shaqaysan jireen Maxkamadaha hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.

Xagga Hoose kaga bogo Warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta gobolka Maroodijeex