Garabyada ku Hirdamaya Aqalka Wakiillada oo Guddiga Turxaan-bixinta ka Dalbaday in iyaga loo kala Baxo

Hargaysa (SLpost)- Guddiga turxaan-bixinta Khilaafka regaadiyey Golaha Wakiillada, ayaa shalay ka hadlay qaabka ay u maaraynayaan xal buuxa oo hawshaas lagu soo Afjaro.

Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Guurtida ahna Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee golahaas Md Siciid Jaamac Cali, kana mid ah eragada hawshan isu xilsaartay oo xarunta baarlamanka ay warbaahintu kula kulantay, ayaa wax laga weydiiyay halka ay marinayaan isu-soo-dhawayntii ay gadh-wadeenka ka ahaayeen.

latest SL news“Labada dhinac ba waa ay naga aqabaleen ergadii balse waxay naga codsadeen in aanu iyaga Fursad Isu siino ay ku wada hadlaan, labada qolana labadoodii guddi ayaanu aragnay, hawshaasina meel fiican ayay maraysaa, mana rabo inaan ka sii hordhaco,” ayuu yidhi Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtidu.

Labada Garab ee shir-guddoonka Golaha wakiillada, ayaa la sheegay inay iska xuleen guddiyo u kala metesha wada-xaajood ay gundaha isku dari doonaan si ay meel isula dhigaan arrimaha ay isku hayaan, ka hor inta aanay waajahin guddiga turxaan-bixinta ee ku gundatay khilaafka Golaha Wakiillada.

Guddiga ay labada dhinac iska xuleen oo dhinaciiba ka kooban yahay todoba xubnood, ayaa ka kooban xildhibaannada Golaha Wakiillada ee kala taabacsan garabyada shir-guddoonka, waxaanay magacyadoodu kala yihiin sida tan:-

Magacyada Mudaneyaasha Taabacsan guddoomiye Cirro

1- Xil Ibraahim Mahdi Buubaa

2- Xil Maxamed Saalax Cige

3- Xil Saleebaan Cali Koore

4- Xil Maxamed Cali Xirsi (Obama)

5- Xil Ibraahim Jaamac Cali

6- Xil Cabdiqaadir Jibriil Tukaale

7- Xil Siciid Cilmi Rooble.

Garabka Guddoomiye ku-xigeennada

1- Xil Saleebaan Cawed Cali (Bukhaari)

2- Xil Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere)

3- Xil Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Looyar)

4- Xil Maxamuud Obsiiye.

5- Xil Ibraahim Caraale Cabdi (Ruush)

6- Xil Axmed Cabdi Kijaandhe.

7- Cali Axmed Diiriye (Cali Gabiley)

Dhex-dhexaadinta Guddiga Golaha Guurtida iyo Akeedamiyadda nabadda, ayaa hakisay xiisad adag oo wadnaha farta lagu hayay oo ka dhex-qaraxda Kaamboolka Aqalka baarlamanka, sidoo kalena dejisay xaraaraddii shacabku ay qadiyadan ku eegayeen.