Garaaddada Sool Oo Sheegay inay Odayaasha reer Muqdisho Ka Aqbaleen Xabbad-joojin ay Hore U Diideen

Laascaanood (SLpost)- Garaaddada Colaadda Ku baaqay ee ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa caawa sheegay inay Isimada Dhaqanka ee ka yimi Muqdisho ka dalbadeen xabbad-joojin ay ka dalbadeen.

Suldaan Mustafe Muxued Aw Seed oo ka mid ah Madaxda Dhaqanka Beelaha Dhulbahanta warbaahinta la hadlay Caawa, ayaa shaaciyay in dhinacooda ay si rasmiya u aqbaleen codsiga xabad joojinta ee madaxda Dhaqanka ee Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku sii daray inay Xukuumadda Somaliland ka rajaynayaan inay xabbad-joojin ku dhawaaqeen, in kasta oo xukuumaddu hore u iclaamisay xabbad-joojintaas balse ay Garaaddadu ka dhego-furaysteen.

Odayaashan oo shalay yimid Laascaanood ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe iyagoo haddana qorshaynaya in ay ku dedaalaan in ay yimaadaan Hargeysa inkasta oo aan weli xukuumadda Somaliland ka hadal socdaalka Odayaasha oo isla maanta magaalada Laascaanood kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo La Saftay Garaaddada Gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u shaacisay xabbad joojin balse Sabtidii dorraad laashay xabbad-joojintaas kaddib markii maleeshiyaadka Laascaanood weerarro dhowr jiho ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka.

Xukuumaddu waxay sheegtay in maanta wixii ka dambeeya ay qaadi doonto tallaabooyin military oo Qorsheysan maadaama loo hoggaansami waayey xabbad-joojintii ay hore u iclaamisay.

Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqameedka Somaliland Oo maanta magaalada Burco kula hadlay warbaahinta, ayaa odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ka yimi ku eedeeyey inaanay dhexdhexaad ahayn isla markaana u muuqanin ergo lagu kalsoonaan karo.

Madaxda Dhaqanka Muqdisho qaarkood oo shalay kormeer indho-indhayn ah ku tagay goobaha dagaaladu ka dhaceen ee Laascaanood, ayaa u muuqday ergo indho-indhayn ah oo gacanta ku jira garaaddada Sool, waxaanu hadalka ka soo baxay Garaaddadu caawa u muuqdaa mid lagaga hor-tagayo Go’aanka Xukuumadda Somaliland ku qaadatay inay tallaabo miltari ka qaaddo malleeshiyaadka isku urursaday magaalada Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net