Garaad Kulmiye Garaad Wiil-waal oo lagu soo dhaweeyey Tog-Wajaale iyo Ujeeddada Socdaalkiisii u horreeyey ku yimi Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-waal, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Wajaale ee xadka dalalka Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu u soo gudbay dhinaca degmada Gabiley oo uu kaga qaybgalayo Caleemo-saarka Suldaanka cusub ee Axmed Maxamed Colhaye (Salmaan).

Ujeeddada Garaad Kulmiye, ayaa ah mid dhaqan oo la xidhiidha ka qaybgalka caleemo-saarka Suldaanka cusub oo Gabiley ka qabsoomaysa sida la qorsheeyey Khamiista toddobaadkan haddii Illaahay idmo, waxaana Garaadka iyo Wefti dhaqan oo la socdaba, soo dhaweeyey Suldaanka la caleemo-saarayo, Maamulka gobolka Gabiley, Wajaale, Odayaal dhaqameed iyo xubno kale.