Ganacsade Reer Somaliland ah oo Si Badheedh loogu Dilay Dalka Itoobiya

Hawadaay (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxa habeen hore Magaalada Hawadaay ee dalka Itoobiya lagu dilay  Ganacsade reer Somaliland ah oo la odhan jiray Maxamed Qaasim Ibraahim.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Qaasim oo Magaalada Hawadaay ku haystay Xawaalad lacageed oo dadka reer Somaliland ee Itoobiya iyo Dalka ka dhex ganacsada u kala xawili jiray lacagaha, ayaa waxa toogasho ku dilay laba nin oo dablay ah, kuwaasi oo la sheegay inay ugu soo galeen meheraddiisa dhexdeeda isla-markaana si badheedh ah u toogteen.

Marxuum Maxamed Qaasin Ibraahim11Warka geerida Marxuumkan, ayaa sheegaya in geeridu dhacday ka dib markii laba nin oo midna qori sito midna toorey ay u soo galeen meheraddiisa oo ay kula sugnaayeen dhowr qof oo Soomaali ah isla-markaana ku amreen inay beerka dhulka dhigaan, balse waxa la sheegay in Marxuumka dhintay uu u cararay halkii ay taalay qasnadda lacagta xawaaladdu ku jirtay isla-markaana qufulay, balse ninkii qoriga ku hubaysnaa ayaa la sheegay inuu shan xabbadood oo rasaas ah ku riday, ka dibna laba xabadood madaxa kaga dhaceen, halkaasi oo uu ka soo gaadhay dhaawac uu markii dambe u geeriyooday.

Falkan oo dhacay sagaalkii fiidnimo ee habeen hore, ayaa la sheegay in loo qabtay labadii nin mid ka mid ah iyo dad kale oo qoomiyadda Oromada ah.

Marxuumkan, ayaa noqonaya kii sagaalaad ee ganacsatada reer Somaliland ah ee lagu dilo Magaalada Hawadaay ee dalka Itoobiya.